Afrika ‘habaaran’


 

“Qoysku waa sida kaynta oo kale. Marka aad dibadda uga baxsan tahay, kayntu way cufan tahay. Marka aad dhex joogtidna, geed kasta  wuu kuu muuqanayaa.”

Maahmaahdan waa mid ay adeegsadaan dadka af-Sawaaxiliga ku hadla, ee ku nool inta badan wadamadda Berriga Afrika. Afrika marka aad dibadda uga baxdo, laga yaabaa in ay kuula muuqato hal dal, oo isku saansaan eeg, hal dareenana wadaaga. Bal se marka aad dhexjoogtid, macnuhu sidaas wuu ka badalan yahay.

Nus qarni ka hor, markii badanka dawladaha Afrika xoroobeen, waxa ay haabka ku hayeen in ay heli doonaan madax-bannaani dhammaystiran. Waxa ay odorsayeen in ay ka xoroobi doonaan colaadaha, maamul-xumadda, dawlad la’aanta iyo gaajadda rafaadisay. Bal se taasi weli ma dhaboobin! Ilaa haatan, ma jiro waddan Afrikaan ah oo cunto ku filan soo saartaa. Manna jirto dawlad Afrikaan ah oo ka kaaftoontay deeqaha iyo caawimadda ay ugu yaboohaan wadamadda horumaray. Sidaas la ajligeeda, Afrika waxa ay la wareegaysaa ‘moqorafadii dawarsiga’, waxaana weli ku xidhan seetadii gumaysiga!

Afrika dhasheedii baa ciishay! Waxa u kacay hoggaamiyaal tuuggo ah, oo aan toodda mooyee, ta dadkooda u tudhin. Afrika maanta, dadka inoogu maal-qabeensan waa ‘masuuliyiinta’ aynu masiirkeena ku aaminay. Waayo waxa ay muddo kooban ku tabcadaan dhaqaale aanay hawl iyo halgan midna u marin. Dhaqaale uga yimid cashuurta ay bixiyaan gacmaha faxalka ah ee wadhatadda iyo danlayda. Barri ilaa galbeed; waqooyi ilaa koonfur; Afrika waxa lagu salliday hoggaano aragti gaaban, oo ku mamay hantida yar ee dadkooda. “Waa nabar ku yaalla dammiirka bini-aadamnimadda,” sida uu ku qeexay Toony Blair, Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriisku.

Durbaannadda loo tumo collaadahu, ma aha kuwo marnaba codkoodu is dhimo. Qulqulatooyinkii Isir-nacaybka ah ee ka jira guud ahaan Afrika, ka bilow Soomaaliya, Itoobiya, Ruwaanda ilaa Koonfur Afrika, waxa ay markhaati cad u tahay in ay Afrikaanku sii kala fogaanayaan oo fahanka dhexdoodu sii adkaanayo. Waxa adag in la sharaxo, sababta nin Afrikaan ah oo markii horeba la dulaystay, uu ugu ciil-baxayo gumaynta walaalkiisa madow.

Afrika waxa ay si tartiib-tartiib ah isugu badalaysaa hoygii argagaxisada. Dhiigga lagu daadinayo meelo kala duwan oo qaaradda ah, iyada oo la adeegsanayo magac diimeed ama kooxeed, ayaa ah kuwo sii tiro badanaya. Waa dhagar loo geysanayo bini-aadamnimada Afrika.

Afrika waa isku baadi-sooc! Weedhan maxaa ka been badan marka Afrika la joogo. Waayo magaca bini-aadanimo ee ay dawladaha qaar ee Afrika ku qadhaabtaan, wax yar baa daacad ka ah. Bal fiiri jaarkeena waxa ka dhacaya! Ciidamaddii nabad-ilaalinta loogu soo diray Soomaaliya ayaa qaar ka baxayaan.  Goob kasta oo ay bannneeyaan waxa badalkooda galaya Alshabaab. Iyaga oo aan weli fulin ‘ul-ajeedadii toolmoonayd’ ee ay u imaadeen, ee sida ay sheegeen ahayd: ‘Soo noolaynta rejadii jaarkooda’. Waa astaamo muujinaya in ay tahay mashaariic lacag lagaga raadsanayo dunida tannaaday, bal se aan loola jeedin niyad-wanaagsan.

Innahan, iyo kuwa kale oo badan, ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Afrika u luminayso mustaqbalkeedii berrito- dhallinayaradda. Waxa jabtay qabkii iyo rejaddii dhallinyarteedu  qabeen. Kuwaas oo doorbiday in ay u tahriibaan dalal shisheeye, oo baadi-doon u galaan  ‘nolol’ tooda dhaanta. Waa laba daran mid dooro: Xaaladaha qalafsan ee Afrika iyo quudhsiga aan dhammaadka lahayn ee Yurub yaalla.

Warbixinaha ka imanaya qaaradda Yurub, ee ku saabsan muhaajiriinta Afrikaanka ah, ayaa ah kuwo naxdin badan.  Dad lagu qiyaasay 142,000 oo Afrikaan ah ayaa gaadhay jasiiradda Malta ee Talyaaniga sannadkan oo qudha. Waxa  geeriyooday 3,100 oo qof, kuwaas oo baddu liqday, in badan oo kalena ay xeeliga baddaha ku soo caarideen.

Maxaa xal ah?

Cidna Afrika aan heshiis ahayn, waxba uma hayso. Dawlad kasta oo Afrika timaadana, ha sidato maggaca ‘gurmad’ ama ‘gargaar’, tooda ayuun bay mudnaanta koowaad siinayaan. Dantaas uunbayna ilaashanayaa.

Hadaba, kuma raaxaysano karno cimilada qurxoon, deegaanta wanaagsan iyo khayraadkeeda dihin ee Afrika, haddii aanay Afrika gacmaha is qabsan, oo dhan qudha uga soo wada jeedsan masiirkeeda iyo horumarkeeda.

Afrika…Afrika? Haddayna si daacad ah u wada hadal, is hogutusaalayn, Afrika dhalanteed bay ku sii noolaanaysaa muddo dheer oo danbe. Waxa markaa ina faran in aynu iska jebino  silsiladaha  lagu xidhay garaadkeenii iyo gacmaheeniiba!

Afrika waa in ay ka baxdaa nidaamka aqooneed ee ka madhan ficilka, kunna kooban tebinta aragtiyo aan ka shaqaynayn halkan. Waa in Afrika jiho cusub u jeedsataa, si sayniska iyo teknoolajiyadu u noqdaan kuwo ka taabo-gala qaaradan.

Dhaqaale fur-furan, oo la jaan qaadi kara dunida inteeda kale, ayey Afrika u jeel qabtaa. Waa in ay si dhab ah u  abbuurto  kalsooni buuxda iyo deegaan xor ah, oo soo jiidan kara maal-gelin caalami iyo fursado dhaqaale oo hor leh.

Isku soo wada xooriyoo, maadama ay Afrika tahay qaaradda ugu dhallinyarsan dunida, waa in ay dhallinyarteeda maalgashato. Waayo mustaqbalkeedu iyaga ayuu ku xidhan yahay. Dhallinyaro suuban waa Afrika horumarsan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s