XURMO ( Hees)


 

Heeso Xurmo

Heestani la magac baxday ‘’Xurmo” oo ah mid xanbaarsan dardaaran,gubaabo iyo weliba kalgacayl walaalnimo. Waa mid aan uga gol leeyahay inaan maamus iyo qadarinba uga dhigo walaashayda igu dhalashada xigta Xafsa Dayib Askar. Waxaanan sidoo kale ula jeedaa inaan ku booriyo dadaalka badan iyo hal adaygnimada walaashay oo hadeer ka qalin jebisay jaamacada Kampala International University iyadoo ka qaadatay Master of Arts ( Development Studies). Waana tan ee akhris wacan.

Walaashay Xafsaay

Xubigaan ku hayo

Ma xisaabin karayoo

Xarafkaan ka heesaba

Xannuun bay iga keenee

Markastaba xasuusnow

In aad xiskaygiyo

Xiisahaygii aad tahay.

*******************

Walaashay Xafsaay

Adigaa xaq-dhawriyo

Edebiyo xishoodiyo

Xurmiyo wanaag badan

Markastaba xasuusnow

In aad xiskaygiyo

Xiisahaygii aad tahay

******************

Walaashay Xafsaay

Adaa aqoon xeeldheeriyo

Xeerkeed yaqaane

Xaafadeena dhawroo

Xogogaal ahow

Xilkaagii diintiyo

Xijaabkiina ha dayicin

Markastaba xasuusnow

In aad xiskaygiyo

Xiisahaygii aad tahay

******************

Walaashay Xafsaay

Deeqsi xoolo badanoo

Xaqaaga dhawroo

Gacaliyo xigaaliyo

Xurmahagooga dhawroo

Xilkasnimo raggeediyo

Kugu xeera diinbaa

Meel kuugu xidhan’e

Markastaba xasuusnow

In aad xiskaygiyo

Xiisahaygii aad tahay

****************

Xaashe walaaleey

Duco aan xisaablayn

Daraf kuugu xidhayoo

Xag Allaad ka heliyoo

Xulafadii Rasuulkaad

Xero aad la degiyoo

Markastaba xasuusnow

In aad xiskaygiyo

Xiisahaygii aad tahay

***** Dhamaad**********

One thought on “XURMO ( Hees)

  1. Maansha Allaah C/qaadir iyo Xafsa Dayib Askar walaalo isjecel ifka Aakhirana Janadda ku kulma alle ha idinka yeelo walaal. Hees duco iyo amaanba waxa dhameeyay walaalkaa qoraaga aqoonyahanka da’da yar ee rabi hibada u siiyay.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s