DHAGAR QABE (Sheeko Dadban)


dhagar qabeArladii waa la kharibay. Meel kasta dhagar baa lagu galay. Dhiiggii waa kan durduuraanaya. Tan baa u danbaysay dalkii barwaaqada lagu yiqiin. Oohinta iyo uurku taalada ayaa guri walba saaxiib la noqotay. Lugahani dhulka jiitamay waa kuwo mar hore tamar dareeyey. Waa kan dhulkii si habalqale ah ugu dul dhacay. Ninkan dhulka salka ku hayaa waa mid waayuhu gacmo duubeen. Murugadda wejigiisa ka muuqata waxa aad moodaa in cadaabtii loogu sii bishaareeyey. Haraad buu kax taagan yahay, balse ma tiigsan karo xareedda hortiisa galalaclaynaysa. Intaa wuu maqan yahay, mar qudhana isma weydiiyo waayaha ballada badan ee uu la nool yahay. Wuxuuba u haystaa wax dabiici ah oo isaga loogu talo-galay. Haa , loogu talo galay oo intii kaga beegnay uu ka hantiyey. Halkaasuu fakar dheer galaa oo sannado badan oo uu soo dhaafay giiraanta nolosha dib ugu celiyaa.

Maskaxda waxa ka degi la’  ilmahani darxumaysan ee qalfoofkiisu soo muuqdo. Ilmahani ma sito hu’ dhaxanta iyo roobkaba uu ka xidho. Gaajo daran ayaa beerka iyo boggaba isu dhejisay. Waxa afkiisa, sankiisa iyo nabarada badan ee oogadda jidhkiisa si foolxun ugu urursan duqsi iyo cayayaano kale. Waxay samaynayaan cod ay dhagto diidayso.  Naaskii hooyadiis ee irmaanaa waa kani nafaqo daro awgeed la idlaaday. Iyada qudheeduna geeri iyo nolol mid ay u dhaxayso ma taqaan. Labadoodani is xambaarsan waxa baqtigooda dhawaranaya haadkani hammuunta qaba. Wuu daandaansanayaa oo kolba baalashiisa dhinac kaga gujinaya. Wuxuu eegayaa inta dhulka afka darayaan ee uu dabaal degga dushooda ku dhigan lahaa. Maanta se toodii may noqon.

Sidaasi buu nolosha ula sii halgamaa. Ma hubo kooda isaga iyo nolosha raynaya! Isma loodin karo, hadana intaasi orod ma daayo. Dadka uuman oo dhami waa u cadow. Isaguna farta ayuu intaa ugu dhaartaa. Marka gu’ u kordhaba waxa ku sii abuurma niyad xumo iyo nacayb badan. Wuxuu ku hamiyaa, inuu sida qayrkii, hooyadii mindida ka aslo, si uu nolosha ugu cidhiidhsado. Waa kan oo ‘debcigii duurjoogta’ yeeshay.

Waaggu markuu baryo wuxuu nafta ku maaweeliyaa ilayska sida daciifka ah uga soo dusaya daloolada badan ee gurigiisa jiingada ka samaysan. Waa daloolo ay rasaastu banaysay. Halkaasuu duulaan badan ka qaaday, isagana lagu soo abaaray. Wuxuu is weydiinayaa awoodda ay lahayd rasaasta gurigiisa haleeshay. Markaasaa baqasho hor lihi ku bilaabantaa. Wuxuu qooransanayaa qoriga mirdhay ee garabkiisa yaal. Markaasuu hadanna geesinimo iska baadhaa. Xasuustiisa marnaba kama baxdo boqolaalkii uu nafta ka jaray. Ilaahay baa wax diluu maqli jiree, sowkani isba kuu doono rasaasta ku aamusiiya, kii kalena sii daaya. Ilaahay buu awoodiisii ku haystaa.

Dunida cid baa kaa awood badan maanka ma gelin. Cadho gaamurtay baa se jidhkiisa si daran u saaqday. Nimankani badan ee hareerihiisa tuman wax macno leh uma arko. Iyaga qudhooduna uma arkaan mid macno leh, waa se habaarqabayaal nolosha ka rajo dhigay.

Hiraal fog ma leh. Ooggadiisa madow baa cudur ku beertay, taasi buu u aanaynayaa bahdilkani haysta. Kani cadaanka ahna sidaasi buu wax u moodayaa oo uu gacmaha u hoos haystaa. Asalkaba ninka cadaanka ah wuu ka barakaystaa. Markuu arkana yididiilo hor leh baa gasha. Isaga iyo ubadkiisu waxay ku nool yihiin soorta quudheed ee diyaaradaha qumaatiga u kacaa hawada uga soo shalwiyaan. Joonyadaasi bay isu wada dhagraan, dagaal sokeeyana ridda. Haa, waa run taasi baa dhiigga ehelkiisa daadisa.

Bal maadhow jeedaali dhulkii sarac lahaa waxa qabsaday! Meel kasta meyd baa wadhan. Isaga waxani dhacaya marnaba isuma luro. Markasaba waa dhiilo-u-joog. Wuxuu sida filimka u daawanayaa colaada reer abtigii iyo reer adeerkii. Intuu si kibir badani ku jirto lugaha dhulka ugu taago, gacmahana keliyaha saarto, ayuu ku raaxaystaa codka macaan ee rasaastu samaynayso. Dhaayihiisa waxaa soo jiidanaya dhiigga guduudan ee hortiisa daadsan. Mararka qaar wuxuuba ku sigan gaadhaa inuu dabka saarto gacmaha, lugaha iyo halbowlaha ragga ee hortiisa sida arxan darada ah loogu jarjaray.

Hadh iyo habeenba wuxuu u heelan yahay inuu helo fariimaha jaan ee looga soo diro dunidani uu ku nool yahay dacaladeeda. Fariintani danbe ee uu gacanta ku hayo waa mid ‘hambalyo’ ah. Waxaa soo gaadhsiiyey oday arxan darada ku caashaqay. Odaygani waa kii fariinta ugu soo diray inuu dalkiisa iyo dadkiisaba gubo. Waa kii macal islaaniisa inuu aaso u soo sheegay. Isna intaasi si weyn buu u baqanayaa. Goormuu ku ku gubi buu is leeyahay. Xalay ma ledin. Hurdo iyo isaguna way is daayeen. Ogobeey, odaygaasi gadhka cad baa doonaya inuu isaga iyo inaadeerkii isu sasabo, isuna maslaxo. Oo horta isaga iyo inaadeerkiisana maxaa  goradda isu gashay? Mooyi!

Hadda sidii hore arrinkuu waa ka duwan yahay. Halkani baa loogu yeedhay. Waa tani lagu amar taagleeynayo. Miyuu is yidhiba mid kaa awood badan baa sidani oo kale kaa yeeli kara. Waa yaaban yahay. Wuxuu la dhacsan yahay miiskan dheer ee ubaxyada lagu shaqlay. Sacab iyo mashxarado been ah baa meel kastaba lagaga soo afuufay. Hoos buu isu eegay, ma xidhna maryihii dhiigga lahaa ee uu ku caan baxay. Marro qurxoon ayaa qoortiisa ka soo laadlaada. Wuxuu isu dayaa inuu maskaxda tuujiyo oo is weydiiyo wax sidani oo dhan loo yeelay. Waa tee maskaxda fikiri kartaa, ma tan mar horeba shaqadii joojisay? Bal eeg odaygani hadalka wanaagsan! Oo hadana fiicanaa! Ma xasuusna in odaygani ahaa kii farageeta sida beerka qofka loogu soo xaadho ku tabobaray!

Weli daawashadii buu ku maqan yahay. Wuxuu la yaaban yahay midabada qurxoon ee kala jaad jaadka ah ee guriga lagu qurxiyey iyo wejiyada wada dhoola cadaynaya. Maantase asaagii buu la fadhiyaa. Raggay xabada ku saaxiibeen iyo kuway xabbad ku coloobeen. Lama hadli karo, haduu se la hadli lahaa hadal nasteexo leh lagama ogola. Dhamac kulayl badan baa hoostiisa ka shidan taasi bay is huran yihiin  haddii kale.

‘Halyeygu’ isagoo jeebabku u buuxaan buu dib u soo laabtaa. Haduu dadka mid mid u layn jiray hadeer boqol boqol buu u laayaa. Hub kii hore ka casrisan baa loogu soo yaboohay. Halkaasuu isu madadaaliyaa. Dumarka iyo carruurtana ku dhugmo bartaa.  Halkaasuu shaashada ka soo baxaa isagoo dubaaxinaya oo la moodo inuu jilayo filim ‘horor’ ah oo lagu laylinayo col dagaal galay.

Taaha iyo jibaadkani baxaayaa ee uu haatani ka seexan laayahay waa kii wiilkiisa curad. Qufac xun oo saablayda hoose dhiig ka soo fujinaya ayuu soo tuurayaa. Ma badbaadin karo waayo weligiiba sida cid loo badbaadiyo lama barin. Dawooyinka la sheegaana waa ku maqaaluun. Sow kani meeshii laga heli lahaa beri hore ku durduriyey! Dan kama laha wax qufacaya iyo wax kale toona. Markaasaa isna ‘virus’-ku aafeeyaa, sambabka oo go’gona soo tufaa. Halkaasuu ku ladaa oo dunida kaga baxaa. Ma dardaarmo, haddiise uu dardaarmi lahaa, dadku inay sidiisa wada noqdaan buu dadka sii fari lahaa.

Qallinkii: Cabdiqaadir Dayib Askar

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s