Waayahu Surgacanaa, Dhallintuna Salfududaa, Wadankuna Silloonaa


Dhalinyaro Tahriibaysa

Arar

In badan baa qalbigu qarsaday, ilmadun qoysay dhabanada, qalinkuna ila qabay sidaas. Maantase adkaysi ma hadhin. Waxaanan u holaday inaan wax ka qoro mawduud noqday nolol-malmeedka dhalinyarro badan, hadal-hayntiisuna qiiradeeda lahayd. Gabal-dhaca iyo waaberyaba waxaad maqlaysaa war dhiilo leh oo qofkii muwaadin ahi ka damqanayo dhibaatada iyo durxumada maanta haysta dhalintii, ubaxii dalka u soo kacayey, ee maalin- la-sheegaba baddaha iyo lama-degaanada dunida ku haligmaya. Maxaa saaxiib,walaal iyo qaraabe kale oo la jeclaaba caloosha nibiriga iyo libaax-badeedyadu xabaal u noqdeen? Maxaa dhalin wiilal iyo gabdhabo leh , intay jaamacado amma dugsiyado dhamaystay, dalkoodii dal kale ku doorbiday, sillic iyo darxumo mutaystay? Akhriste, marna ma u damqatay dhalintaasi la dayacay ee la ilaabay waayahoodii?

Maxaa Keena Inay Dhalinyaraddu Sibir-dhaqaaqdo?

Dabagal iyo daraasado badan oo la sameeyey kadib, waxaa soo if-baxday in dadka ka tahriiba gobollada Somaliland ay u badan yihiin da’yartii soo koraysay. Kuwaasi oo sababo badan oo is-huwani ku kalifeen inay raadsadaan oo ay baadi-goob u galaan nolol uga aayo-tiin fiican tan ay maanta ku jiraan ee murugda leh. Sababahaasi kuwooda uga doorka rooni waa :-

Shaqo-la’aan Baahsan

Maalinba maalinta kasii dambaysa waxaa isa soo taraya ardayda ka qalin-jebinaysa jaamacadaha iyo dugsiyada dalka, kuwaasi oo markay aqoontoodii camal ku raadsa is-yidhaahdaan, waayaha iyo wacyiga jiraaba dhirbaaxayaan, oo meel kastaba oo ay u dhaqaaqaan gidaaro adagi kaga gadaanmayaan. Markay sidaasi ku jiraan muddo badan, ee dalkiina horumar la taaban karo gaadhi waayo, dhaqaalaha reeruhuna u saamixi waayaan meelaynta ubaxaasi cusub ayey quus iyo qanac la’aan qaadaan, miiciin iyo tageerona moodaan tahriibka [suudalka] qaracanka leh.

Raadin Aqoon & Waayo-aragnimo

Maadaama dalkani Somaliland weli kasoo dooganaayo colaadihii iyo dagaaladii burburka laxaadka leh u geystay geeddi-socodkii waxbarashada dalka. Inbadan oo waxbarashada jirtaana agab iyo adeeg hufan la’aan la liitaan, ayey baddi dhalintii aqoonta u xuubsiibatay werwer iyo walaac ka muujiyeen mustaqbalkoodii barrito. Taasoo ku dhalisay inay aaminaan in meel “weliba” dalka aqoon iyo xirfad dhaanto. Waxay tani gayaysiisey da’yar badan inay aqoon iyo waayo-aragnimo u raadsadaan dalal aad u fog-fog ayagoon xisaabta ku darsanayn duruufaha ka sakooya safarkoodaa[tahriibka].

Hiyic-kac Ay Qurbo-joogtu Abuurtu

Sida aalaaba dhacda markay qurbo-joogtu kusoo guryo noqdaan dalkooda hooyo, waxay dhistaan guryo waaweyn,guursadaan gabdho dhag leh (oo badi diiday inamadii dalku), gaaf wacana loo sameeyaa, gawaadhi badana lagu galbiyaa aaroosyadoodaa. Arrintaasi waxay furka ka tuurtaa dhalin badan oo guur doon ahayd oo dalka dhex goobyaalaysey. Waalidka qaarkoodna waxay kuba dhiiri-geliyaan oo ay ku gubaabiyaan ubadkooda “ in haday mar horeba Yurub tagi lahaayeen,sida ina hebal gurri iyo gabadhba dhisan lahaayeen”. Taasi oo sababta in dhalinyarro badani aaminto in wiilasha iyo gabdhaha qurbaha ka timaadaa ay dalka kaga ayaan badan yihiin; dabadeedna si aan laga fakarin oo hubsiimo la’aan ah u dhex jibaaxa lama-degaanka Saxaaraha ee surmiga iyo haraadka loogu go’ayo.

Talo Soo Jeedin

Waa in shacbigu, gudde iyo dibadda , iska kaashadaan sidii loogu caqli celin lahaa dhalinyarad sibirdhaqaaqaysa, loogana wacyi-gelin lahaa masiibadda tahriibku leeyahay.

Waa in dawladu dhalinyarada shaqooyin u abuurtaa markay dhamaystaan geeddigooda waxbarasho, kanna fakartaa sidii mustaqal caafimaad qab u gaadhi lahaayeen.

Waa in qurbo-joogta iyo ganacsataduba si koox-koox ah oo midaysan dalka uga hirgeliyaan mashaariic u horseeda dhalinyaradda fursado shaqo.

Waa in Wasaaradda Waxbarashadu maanka ku haysaa sidii horumar loo gaadhsiin lahaa manhajka waxbarasho ee dalka si loo soo saaro aqoonyahano xirfado ay ku adeegtaan oo badan yaqaan.

Cabdiqaadir Dayib Askar
siraskar@live.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s