Reenkaygu Ma Riyadayda Oo Rumadaa!


Cirka nimankaa sahanka u diree, caadka ka hayaamay,
Cadceediyo dayaxa dawladahan, caawa kala sheegtay,
Caynkeennanay soo wada mariyo, caado liitahaye,
Cilmigii ay ku gaadheen rag waa, ku cibro qaataaye,
Candhadeeda nimankii karshee, cunay ku goosmeene,
Darfi wuxuu ka muuqda shacbiga, caafimad qaba’e.


Arar

Baraaruggaagu marbuu badhaadhe noqdaa, bilkhayr iyo marbuu bushaaro noqdaa. Balladuna markaasay barbarkaas ka baxdaa. Adduunse marba dhinac u billiglee. Si fiican ayaan subaxdaasi u waaberistay, bustahana isaga rogay. Abaabul iyo diraargarow baan u heensaysanahay, jarmaadaduna waxay ku beegnayd meel aan sidaas nooga sii ridnayn­-makatabaddii Jaamacadda. Hammuun waxaan u qabaa inaan gaadho irriddeeda, waxaan u heellanahay subaxdaas, bal in aan dhinac isaga duwo wixii baryahaaba wehelka ii ahaa. Tiigsigaygu wuxuu noqday buug dheeh cagaar iyo madow ahi ku kulmeen. Tollow muxuu inoo sheegi? Cabbaar markay dhaayuhu ka bogteen, noqday mid si xeel-dheer u lafa-guraya Waxbarashada dalka soo-koraya ee Yugaandha.

Waxaan si baraad la’ kolba u rogayaa bogaggiisa, wacaal se kama hayo intaan marinaayo. Xiiso badnaa! Mar keliyuun bay hawo meel aanan garanayn ka timid i saaqday, oo aan buuggii intaan horteyda dhigay dib uga faagtey. Isla hadal baan bilaabay, waxaan dib u milicsaday geeddigii Waxbarasho ee Somaliland iyo duruufihii ku gadaamnaa. Garoo waxaan ka masayrsanahay dalkan Afrikaanka ah ee aqoonta ka tanaaday.

Sawir buuxa oo xambaarsan waayo kala sansaan duwan baa i hor yimid. Waxay xusuustu ii celisay muddo iminka laga joogo 13 sanno oo aan ku kallihi jiray dugsi aan naga dheerayn. Dhagaxaan iyo daasada, mararka qaarkood loo baratamo, ay kuruus la jecel yahay noo ahaayeen. Waxa noo dheerayd, qorraxda iyo roobabka oo meel laga galaa aanay jirin. Fasallada qaarna marka tabaashiirta la waayo, jab yar oo dhuxul ah gidaarka lanoogu xardho. Macallinaa! Adigaaba sheegaya. Haddaan laga tagayn, waxaa na dhex-goobyaali jiray afar macallin oo tabarruc wax ku dhiga oo iyaguna la daacaa-dhabanaya tiro badnaanta ardayda ee agab la’aantu weheliso.

Dabcan, waad ila gartay baan filayaa, akhriste, meeshaan kaala hadlaayo, waa Hargeysa, caasimadii dalka. Bal maxaad u malayn dalka intiisii kalena? Bal adba. Ceeb ma ahaynoo dad iyo dalba duruuftaa sidaasi na baday, oo wax dawladdii jirtay shaambad looga dhigo ma ahayn. Ilaahayse waa wax loogu mahadiyaa in gobollada badidoodii ay jaamacado yeesheen, intii hadhayna ay ka dhex-guuxayso hirgalintoodu. Maantase, uma soo weyso qaadan inaan ka hadlo taariikhdii waxbarasho ee Somaliland, diiradaydu waxay haysaa, inkastaba kacaa-kufkeenu ha leekaadee, intii karaankeen ah ma ka gaadhnay waxbarashadii, mise weli waxbaynu hagranaynaa? Akhriste, jawaabtu waa inoo dhex. Adigiyo dareenkaa , anigiyo guddoonkay.

Riyooy ma dhabawdaa?

Haa,haa,haa. Akhriste waxaynu isla garawsannay in horumar badan waxbarashada aynu ka samaynay, mase qabo, in halkii lay nooga baahnaa ee tamarteennu ahayd aynu gaadhnay.

Waxaan ku riyoodaa, innagoo dejisannay manhaj maangal ah oo mideeya dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ahba, oo horumariya ardaygeennii diin iyo dhaqan ahaanba, haqabtirana baahideennii soo ergisasho manaahij qalaad, kana hortaga arday ku kala duwan mabaa’dida aasaasiga ah ee Qarannimo. Keliya waxaan qabaa inay ina ciishay Madbacad Qaran oo awood u leh daabacadda buugaagta waxbarasho. Taas waxaynu ku gaadhi karnaa iyadoo dawladdu dadka u jiheysa, sidaynu caanka ku ahayn, barnaamijkii Iskaa-Wax-U-Qabso, oo lagu yagleelo Madbacad Qaran.

Markale waxaan ku riyoodaa, wiilasha iyo gabdhahoo aqoonta u hammuunsan, baratanna ugu jir gaadhidda yoolkooda, oo loo sameeyey dugsiyo u kala gaar ah amaba waqtiyada waxbarasho loo kala duway. Tusaale ahaan, wiilasha oo gelinka hore dugsiyada taga iyo gabdhaha oo galinka dambe dhigta. Maanka lagu hayo dheelitirnaanta aqoonta ay qaadanayaan iyo u–sinaanta xaqa ay u leeyihiin inay wax barataan.

Waxaan ku riyoodaa, waalidkoo xidhiidh suuban la yeeshay macallimiinta, oo u wada xaajoonaya si niyad-sami leh, isulana xisaabtamaya doorkuu mid kastaaba lahaa, iskaashina ka yeelanaya kobcinta iyo kor-qaadida tayada ardayga iyo ta dugsiygaba.

Waxaan kaloon ku riyoodaa, ardaydoo la baray taariikhdoodii, hor iyo dambeetaba, intii nabadda wax ka tartay, intii horumarka horseedka ka ahayd, intii naf iyo maalba u hurtay dalkooga, intii duurka u gashee dabaylaha iyo dhaxantu dib jiriyeen, bal inay yool ay hiigsadaan ka dhigtaan, oo laga raarido in dhaqan iyo asluub lagaga daydaa mudan yihiin.

Waxaan ku riyoodaa, iyadoo barnaamijkii Kedis la soo celiyey, oo ardaydoo gacamaha bogga saaray, kunna luuqaynay Heesta Calanka. Macallin, waalid iyo dadweyneba sacabka loo garaacayo ardayda. Ardaydoo ku xargoonaysa aqoontii lagu soo ababiyey, muujinaya midnimo iyo wada-jir, barashadii dhexdoodana sii libin laabaya, aqoontii waxtarka lahaydana kala faa’iidaysanaya. Madaxweyne iyo intii kale ee qaranka u saraysana ay ardayda la joogaan, iyagoo dhiiri gelinaya, si kal iyo laab ahna furan ugu riyaaqsan, gacmo qaadaya, abaal marino kala duwana hiil iyo hooba ardayda uga dhigaya.

Waxaan ku naalloon lahaa, ardaydoo laysku gacan banneeyo, laguna taageero sidii ay isu maamuli lahaayeen, barta xilkasnimada, wadan-jecaylka iyo hoggaaminta dhabta ah ee bari sugaysa. Ardaydoo la kobcinayo taydooda hogaamineed iyadoo loo agaasimayo guddiyo iyo ururba ay ku hafto baxaan, kuna layli baranaya iskaashiga iyo wax-wada qabsiga dhexdooda ah, kuna illaawaya waxyaabaha haraadinka ku ah bulshadeenna sida qabyaalada iyo balwadaha xun-xun ee kaleba. Ardaydoo ka fikiraysa sidii wax ay quutan u soo saran lahaayeen, halka ay iska weydiinayan maxaynu cunaa.

Waxaan ku riyoodaa, ardaydeenoo noqota kuwa ku tabarruca waqtiyadooda fasax, is-abaabula oo taakulaynaya dadkooga aan waxna qorin waxna akhriyin ee leh da’ walba. Iyagoo ka shaqaynaya cidhibtirka iyo dabar-goyna jahliga dalkeena soof-daran habaabiyey, horumarka dalkoodna cidna u daba fadhiisanaynayn. Iyadoo ardaydu ku doodaysa “Anigaa wax baraya iyo anigaa…”.
Gebo-gebo

Waxaan ku soo gunaanadayaa, akhriste, riyooyinka iyo kuwa kale oo laga yaabo inay kugu maqan yihiin, waxay inoo dhaboobi karaan, markaynu yeelanno jibaddii iyo xamaasaddii aynu dalkeena ugu danayn lahayn. Waxay suuro-galayaan markaynu yeelanno, wada tashi oo si wada-jir ah ugu hogaaminno dalkeena meel halkan uu maanta marayoo uga midho-dhal fiican. Yaynaan noqon kuwii dalkooga ciilay ee mid kale ka doorbiday.

Cabdiqadir Dayib Askar
Kampala, Uganda
siraskar@live.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s