Fursadaha Shaqo Abuur Iyo Faaqidaada Dareenka


Shaqaale Hawl Ku Jira

“Fahamkeeda guudnimo,

Fursadaha shaqo abuur,

Farsamooyin lagu helo,

Anigoon fogaaneyn,

Waxay faalladaydii,

Tidhi inay fura u tahay

Caqligoo fayoobiyo,

Cilmi fiican loo helo,

La falgala danaha guud.’

I. Arar

SHAQO LA’AANTA Somaliland ayaa noqotay mid si ba’an u baahday oo cunnugii caloosha ku jiray laga yaabaa inuu ka war qabo. Haddii mid calool ku jiraa wax maqlayo. Waxay noqotay wax qof weliba ku waaberiisto, kunna gabal dhacsado. . Qof kasta gurigay ugu gashay oo surmo-seejisay. Werwer iyo walaac jooga ay dadka baday. Waxay su’aali noqotay, tollow dabar ma leedahay? Ma abtirsataa? Yaa u ehel ah? Qofba dhinac u qaad, dareenkiisna ku qiyaas, aniguna gudoonkay iyo daba-qabashadeed.

Inta aanan u gundo-degin ee aanan falamo-gurin xalka ugu dhaw ee la talaabsan kara wacyiga iyo waqtigaba, shaqo la’aantana lagaga samata bixi karo, bal aynu guud mar ku samayno inagoo gole-ka-fuul ah, halkay ku abtirsato. Dagaaladdii sokeeye ee umulo-dooxa ahaa ee lagu riday taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, waxay ina gayaysiiyeen burbur laxaad leh oo wiiqay haykalkii iyo nidaamkii dawladnimo. Wuxuu gabi ahaanba tirtiray meelihii loo agabka qaadan lahaa ee dhuuniga laga raadsan lahaa. In kastoo laga soo dooganayo colaadahaasi, waxaa mar labaad dhirbaaxo weyni cuskatay dhaqaalihii fadhi-baradka ahaa ee Somaliland, kadib cunaqabatayntii la saaray dhoofinta Xoolaha Nool. Sanku neefle idilkii wixii geyiga ku sugnaa midba si u dareen. Dal iyo dadba la surmi. Waxaa taasi inoogu darsamay caawimo iyo ehel la’aanta adduunka. Qaad-ma-dhergihii tiro beel. Waxaas oo dhan waxaa isku xoorsaday siyaasadaha aan geelna soo durdurinayn iyo qorshayaasha wada qabyada ah ee xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka .

Daruur madow ayaa dul hogatay nolol-maalmeedkii bulshadii danyarta ahayd. Abbaaro ayaa xoolihii la manaafacaadsanayey , miyi iyo magaalaba, mijo-xaabiyey. Baahidii bulshaduna cirkay isu shareertay. Dhamaan arrimahani waxay saldhig u noqdeen shaqo la’aan baaxad weyn oo gebi ahaan dalka sadhaysay. Waxay seeteeysay kobicii iyo horumarkii dhaqaalihii ugubka ahaa.

Waxba yaanay arartu ila durkin, hadalna toocsanine murtida iyo ma dhaafaanka aan ka abaaro. Halgan waxaa loo galay sidii dawo loogu heli lahaa shaqo la’aanta, looganna bogsan lahaa. Anna maanta taasaan raadkeegii ku joogaa.

II. Sidee Baa Fursado Shaqo Loo Abuuri Karaa, Shaqo la’aantana Loola Tacaali Karaa?

(b) Gubaabinta Ganacsiyadda Yar yar.

Si loo xakameeyo shaqo la’aanta dabarka goosatay ee dalka gees ilaa ka gees isaga talawday, waa in la dhiirigeliyaa yagleelida ganacsiyo yaryar oo u suurogelin kara bulshada tabaalaysan ee muwaadiniinta ah in ay quudkooga kala soo baxaan. Waxaa muhiim ah in ganacsiyadani yar yar la mideeyo; loona sameeyo iskaashatooyin leh xeer-hoosaadyo si dad badani shaqo uga helaan.Ganacsiyada noocan oo kale ahi waxay taageero hiil iyo hooba u noqon karaan dumar badan oo la kacaa-kufaya baadigoobka waxay carruurtoodu quudan lahaayeen, kadib markii raggoodii dagaaladii ku naf beeleen, ku dhaawacmeen amma badweynta noloshu muquunisay. Hadaba, si riyadani loo rumeeyo, waa in bangiyada dawliga ah la yimaadaan tab iyo xeelad la jaanqaadi karta dunida tanaaday si dadka ganacsiyadaa ku hawlan loo siiyo DAYMO mudaysan.Dawladda oo qudha loogama fadhiyo fulinta hawshani, bal se waa in marka Sakada Alle inagu waajibeyey la bixinayo, loo huraa si dadka u baahi tirto, iyadoo layskugu ururinayo sanduuqyo loo asteeyey oo loo xil saaray dad aamin ah oo bulshada sharaf ku dhex leh.

(b) Kordhinta Mashruucyadda Iskaa wax u qabso.

Dadkeenu dabeecad ahaan waxay u abaabulan yihiin, unna jajaban yihiin iskaashiga iyo wax wada qabsiga dhexdooda ah. Hadaba, inaga oo ka faa’iidaysanayna dhaqankani ay bulshadeenu leedahay, kanna maarmi karnaa caawimo qalaad, waa in dawlad iyo inta kale ee mindidda daabkeed haysaba u jahaysaa dadka sidii ay wadajir wax u qabsan lahaayeen iyagoo adeegsanaya muruqqa iyo maskaxda dihin ee dadka. Talaabadani haddii la qaado waxaa lagaga gudbi karaa shaqo la’aanta, horseedina kartaa fursado badan oo shaqo.

(c) Dhisidda Dugsiyada Farsamada Gacanta.

Waxaa dhawaanahani si muuqata isu soo taraysa waxbarashada sare ee gaarka ah iyo ta dawligaba. Sannadba sannadka uu ka dambeeyo waxaa kordhay tiradda ardayda ah ee ka soo gudbaysa dugsiyada sare iyo kuwa dhexba. Si ardaydani loogu helo fursad shaqo waa in la baraa xirfado iyo farsamooyin kale oo ay ku adeegtaan. Sidaasi darteed, si loo gaadho yoolkani waa in iyadoo maanka lagu hayo tayada ardayga iyo ta waxbarashoba la xadidaa tiradda jaamacadaha ee dalka ka jira iminka( kuwaas oo dhamaan bixiya aqoon isku wada mid ah) ammaba la kala duwaa aqoonta ay bixiyaan. Si kastaba ha ahaatee, jaamacadaha maanta ka jira dalku way ku filnaan karaan ardayda dugsiyada sare ilaa muddo dheer. Waa in dadka furanaya jaamacado cusub laga raaridaa (dhaadhiciyaa) muhiimada ay leeyihiin furashada dugsiyada farsamada gacanta oo baahi weyn loo qabo. Ardayda fursadahani heli weyda, waa in lagu daraa ciidamada dalka si amniga iyo qaranimadadda dalka u sugaan.

(c) Aasaasida Xarun Kulmisa Aqoonyahanaddeena

Si looga maarmo ajaanib carri shisheeye laga soo waarido,loona sahlo sidii loo heli lahaa muwaadiniin aqoon sare leh oo ku haboon kolba shaqooyinka loo baahdo waa in la aasaaso xarun kulmisa ‘labeenta’ dalka, si markasta oo shaqo loo baahdo looga soo dhex xusho. Xaruntani waxaa ka mid noqonaya dadka dalka u dhashay ee leh aqoon iyo waayo-aragnimo ku filan. Waxaa kale oo loo baahan yahay in ay xaruntu ka madax bannaanto qabyaalad,eex, nin jeclaysi iyo wax kasta oo bulshada haraadin ku ah. Hayadaha dawliga iyo kuwa caalamiga ahna waa in lagu qasbaa in shaqaalaha ay u baahan yihiin ka dhex xushaan, haddii ay ka waayana, ay u maraan dawgii kale ee u saamaxaya iyagoo dhug u yeelanaya dhaqanka, dhaqaalaha, diinta iyo dastuurka dalka u dajisan.

(d)Dajinta Manaahij Casriyaysan

Waxaa ayaan darro weyn inagu ah guud ahaan, dawlad iyo dadweynaba, in aynaan ilaa iminka u dajin manhaj la jaanqaadi kara dhaqankeena iyo dhaqaalaheenaba dugsiyada sare iyo jaamacadahaba. Tanni waxay ina baday in aynu soo ergisano manaahijta dalal kale oo dhinacyo badan aynu ku kala tagsan nahay. Inta badan ardayda dugsiyada sare/jaamacadahaba waxaa carqalad ku ah , iska daa xirfado ay ku adeegtaan’e, sidii ay u qori lahayeen araajida codsiyada shaqo. Hadaba, si midho dhal fiican u hiigsano, waa in aqoonyahanka Somaliland, gudde iyo dibedba, la shiriyaa si ay u dajiyaan manhaj tayo leh oo soo saara arday arragti dheer oo xirfado badan yaqaan.Waxaa kale oo in gaws dambeedka lagu hayo tahay sidii tababaro joogto ah loo siin dhalinyarrada si loo kobciyo waayo-aragnimadoodda shaqo inta ay ku gudo jiraan hannaanka waxbarasho.

(e) Qorshe Qaabaysan Oo Lala Yimaado

Xukuumada Somaliland waa in siyaasad qeexan oo abaar sugan leh ka yeelataa maalgashiyada dalkeena lagu sameeyo. Maalgashiyadaasi waa in loo weeciyaa arrimaha bulshada sida waxbarashada , caafimaadka, amniga , warshadaha iwm., kuwaas oo dad fara badani fursado shaqo ka heli lahaayeen. Qorshahaasi waa in uu noqdaa mid ammin dhaw amma dheerba leh oo taabta meelaha bulshadu ugu baahida badan tahay ee aynu kor ku xusnay.

(f) Aasaasida Urruro Shaqaale

Waxaa lagamamaarmaan ah in la helo urruro kulmiya shaqaalaha dalka guud ahaan, si ay ula gorgortamaan cid kasta oo ay u shaqaynayaan. Shaqaaluhu waxay u baahan yihiin daryeel joogto ah, waa in ay helaan fasax, mushahar fiican, lanna dhawraa xuquuqdooda. Si dadku ugu hirtaan in ay dhamaan wada shaqo tagaan waa in loo kuurgalaa xaaladaha shaqo ee dalka si looga badbaado dayac ku yimaada shaqaalaha. Urruradani waa in ay kula xisaabtamaan hayadaha fulinta ee dalka sidii loo ansixin lahaa xeerarka shaqaalaha ee dastuurku qeexayo, si aan loogu xad gubin,loona dulmin xaqooda.

(g) Bixinta Gunnooyinka Hawlgabka

In kasta oo dalku weli curdin yahay, hadana waa in la xasuusnaadaa in dhalinta wax baratay ee soo kacaysaa buuxiso shaqooyinka bannaan ee dalka,kuwaas oo leh awood iyo firfircooni dheeraad ah. Si tanni looga dhabeeyo, waa in shaqaaluhu markay hawlgabaan la siiyo gunnooyin joogto ah, si shaqadii ay uga fadhiistaan , haddii kale iyagoo hawl qaban karayn ayey sii joogayaan xafiisiyadii dawladda . Tannina waxay horseedi kartaa in dhalinyaro badani shaqo la’aani ku habsato.

(h) Cilmi Baadhisyo La Sameeyo

Ka hor inta aan talaabooyinkani la qaadin, waa in cilmi baadhis qoto dheer lagu sameeyaa heerka shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta. Cilmi baadhistani waa in lagu daah furaa xaqiiqooyinka dahsoon ee jira. Haddii cilmi baadhisahani la sameeyo waxaa la qaadi doonaa dhabo la sii xaadhay oo mustaqbalka laga duulo.

III. Gunnaanad

Waxaan ku soo afmeerayaa, hore ayaa loo yidhi ‘Far keliyi fool ma dhaqdo’. Haddii aynaan u midoobin la dagaalanka shaqo la’aanta ina sumaysay, oo aynaan gacmaha is wada qabsan, qodobadanni iyo kuwo kale toona ma noqonayaan kuwo midho dhala; waxayna noqonayaan hal bacaad lagu lisay.

Cabdiqaadir Dayib Askar
siraskar@live.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s