Buuggaan Baryahaaba U Bu’ayey


 

Gorfaynta Buugga Yuusuf X. Aadan

 

“Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan”,
Fawsiya Yuusuf X. Aadan.
Daabacadii Koowaad, @ftahan
Publishers,
London
, 2007, ISBN 978-0-9550274-1-3.

Arar

Badanaa waxaad sugtood, saadaalisaa. U samirtoo, sibiq kugu soo galaa. Maba dheerayn’e, markaas uunbaan hadhimadii afka ka qaaday. Cadceeddoo kululaydna ka hadhso is idhi.Sariirtana isu gaad-bixinayaa. Waxaan isu soomelmelay, ilays si aayar ahku saaqay guriga. Dhinacuu afaafku xigeyna u jeestay. Yaab! Ma cidkalaaba, illeyn waa wiilkaan aqal-wadaagta ahayn. Nabaddiino ka dibna, isagoo kolba kab saaraya, ayuu dhinacna iga leeyahay: “Oo saaxiib buuggaan inoo sido maanadarkaynba?” Intaan si miyir la’ u soo hinqaday, dhinaciisii u holladay. Mise waa buuggaan baryahaaba u bu’ayey “Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan” oo Fawsiya Yuusuf X. Aadan ku fara-yaraysatay. Mareegaha Soomaalida ayuun baan ka dhaadi jiree, ma anaaba dhab u arkayba! Akhriste, maanta kaasaan wax inooga soo garoocdee, ee bal ila dhawr.

Muuqaalka iyo Magaca buugga:

Buug baro dhaafiyey dhiggii iga dheh. Culayskiisaad ka garanaysaa inuu 213 bog yahay. Midabka buugga lagu shaqlay waxaa laga soo dheegtay kan cirka. Oo wax kale kuma garatid’e, dhaayaha caafimaad u ah. Meel badhtanka buugga ku beegan, waxay indhahaagu qabanayaan sawirka qurxoon ee loo soo xulay. Haa, waa Yuusuf X. Aadan , Ilaahay jannadutul Fardawsa ha ka waraabiyee, oo dhoolla cadaynaya, dibinta sarena la moodo inuu kor u faydayo. Gadh cad,muujinay aynigiisa, isku joogga, ka turjumaya dhaqan iyo diin jacaylkiisa, ayaa si habsami leh daamanka looga soo rogay. Shaarubaha qudhoodu kama tagsanee, way ku tirsan yihiin. In yar baa la moodaa inuu dhinac isu janjeedhinaayo. Koofiyad cadna si fiican madax ugu saran tahay. Lebiskuna kaba daran.blue baaa

In badan baad maqashay qof halgamaa ah oo mood iyo noolba dalkiisa u huray. Yuusuf X. Aadan xannuun iyo xardhaamoba wuxuu lahaa kollayba dhadhami. Qoraha oo aan waxba heemina, bal aynu hareeraha haysano. Ma is weydiisay qoruhu tolow muxuu magaca buugga kula caashaqay? Haa hadday tahay, ku sinnaan 1968 ayaa Yuusuf oo Suudaan joogga is waraysanayaan nin ay halgan wadaag ahaayeen. Qoruhuna kamabuu fogayn! Yuusuf baa saaxiibkii weydiinaya goortay qorayaan waxay soo wada mareen. Ninkii baa ku jawaabay:“Waxaynu soo wada marnay, waxaa ka dambeeyey, waxaan soo maray. Waxaanan horta wax ka qorayaa, ‘Dagaalkaygii Quraaradaha’.”Yuusufna markaasuu u sheegayaa inuu maagan yahay qoridda ‘”Geeddigii Noloshiisa”. Akhriste, ila garwaaqsatay, in aanu magacu bilaash ku bixine, madal iyo ammin go’an lahaa. Kaas bayna Foosiya Yuusuf X. Aadan dib u milicsatay, kanna dhabaysay.

Obocda Buugga:

Kolba meel ku hakanee, obocda ina gee ma I tidhi. Qoruhu wuxuu si farshaxannimo sare leh u tix-raacayaa barbaarintii hore ee Yuusuf X. Aadan. Yuusuf wuxuu ku dhashay Togga-Herer,halkaas oo uu kula baxay “Hereri”. 10 jir ayuu quraanka ku dhameeyey. Mar labaadna,12 jirkiisii ku idleeyey. Yaraantiisii isaga iyo wiil ilma adeer ahaayeen baa ka lumaya reerihii oo geeddi ah, iyaguna markale sii kala ambanaya. Gabalku markuu sii dhacayey, Yuusufna reerkii iyo raadba waayey, cabsina ka qabay habar dugaag oo barigaa arlada lagu ibtileeyey, ayuu geed dheer dhallada uga baxayaan, isagoo welibana qaydkiisii laan geedka kamid ah isu xidhaya, Bal waatan ibtilee, kaalay adba waraabayaal dad cunoobay ka hoos dhaqaaji! Markuu ka samato baxona, sidaasi kaga calool goynayaa miyi dambe iyo hadal qaadkiisba.

Yuusuf oo ku hanaqaadaya Hargeysa, wuxuu nasiib u helayaa inuu ka mid noqdo dufcadii saddexaad ee Suudaan wax ku soo barta sannadkii 1932. Wuxuu soo laabanayaa 1939kii, markaasuu Maxamuud Axmed Cali ,waxbarashada iyo abaabulkeed kula lamaanoobayaa. Dhib iyo hawlna ku mudanayaan. Xilligaas oo dadka dacar loo mariyey waxbarashada madaniga ah, wixii soo hadal qaadana gaallo loo nisbaynayey. Qofka horseed u noqdana “Jannaa dagtay” sidii daraawiishtii Sayidka la odhanayey.

Halkee wax laga bila bay hawli noqonaysaa? Horraantii 1940kii ayuu Maxamuud Axmed Cali barbarka qabsanayaa, oo dugsigii Berbera ka furnaa, 11 arday wax ugu dhigayaan. Shaqadii u horraysayna halkaas ka bilaabayaa. Yuusuf wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo firfircoon oo ardayda jimcisiga ciyaarsiiya. Waaberi ay cadceedu soo baxayso ayaa Yuusuf oo ardaydii laylinaya, dad si xun loogu soo warramay, soo abbaarayaan dhankiisa. Nasiib darrona, waxay ku soo beegmayaan, carruurtii oo marna foorarsanaya, marna kacaya, dhinaca ay cadceeddu ka-soo-baxadana u jeeda. Run bay dadkii ula eekanaysaa warkii loo sheegay ee ahaa inay carruurtu cadceedaba caabudaan. Markaasaa hilfaha loo qaadayaa, dhagax iyo wixii la haleelana,lagu boobayaa. Dhaawacyo dhiig hoorana loogu gaysanayaa.

Markaasuu Yuusuf tixdani la magac baxday Dhaawac marinayaa:

“Waxba dhaawacyahow gacantan jaan dhiigga hay qubine,
Dharka ,shaadhka iyo macawisaha dheeh ha ii marine,
Ha I dhidhin, dhaawacna haygu dhalin oo dhib hay galine,
Dhallinyaro iyo waayeel tolkay dhagax ii qaadye,
Dhallaankuna ma hadho maalintay igu dhawaaqaane,
Anigana dhibtoodaa iiga dhigan dhayda caanaha’e,
Dhaar waxaan ku maray inaan waxbaro dhoof anoo jira’e”

Dhinaca kale, Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf X. Aadan oo ahaa horseedkii waxbarashadan xadhkaha goostay ballaysimay, ma yarayn marnaba intay u dhabar adaygeen, ee ay dhawreen in dhallinyaro iyo waayeelba dugsiyada loo dhaqaaqo. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen, in dadka fahamsiiyaan macnaha iyo ujeeddada waxbarashada si ay gumaysataha iyo xeeladihiisa dahsoon loo fahmo.

Marmarka qaarkood buu yaab ku dili gaadhayaa. Yuusuf iyo saaxiibkii Maxamuud waxay meel isla dhigayaan in mushaharkii ay ka qaadan jireen mustacmarka oo aan sidaas u buurnay inay meel isugu geeyaan. Waxay uga dan lahaayeen inay dhisaan cariish(markii dambena noqonaya dugsigii u horeeyey ee Hargeysa laga taago). Hawl yarna muu ahayne, dhidid iyo dheefba wuu u baahnaa. Cariishkaas oo albaabka iyo daaqaduhuba haawanayaan, wuxuu noqday dugsigii ay ka aflaxeen hoggaamiyayaashii dalkeena sida Cigaal, Tuur iyo qaar kaleba. Cariishkii waagaasi seeskiisu wuxuu maanta hoos maray meel ku aaddan barta garoonka kubbada kolleyga ee dugsiga hoose/dhexe Sheekh Bashiir.

Yuusuf iyo macallimiinta kaleba ma ahayn dad sidan caadiga ah tix amma tiraab ku haasaawa. Aayado Quraan ah ayey mararka qaarkood wax isugu tebin jireen. Waxaa dhacaysa in Yuusuf Ismaaciil “Gaandi” oo ahaa maamulihii dugsigii u horeeyey ee Burco laga yagleelo, uu dadkii kala kulmayo hantidaad iyo af-xumo joogta ah. Ardaydiisuna waxay dhaafi waayaysaa saddex arday. Ardayda qudhoodu ma ammaan heli jirin’e, markay dugsiga ka rawaxaan baa ullo dhabada loola sii istaagi jiray. Yuusuf isagoo arrintaasi ka niyad jabsan, go’aansadayna inuu isaga tago , ayuu warqad u dirayaa Yuusuf iyo qolooyinkii u Hargeysa ku ogaa, oo uu ugu soo qorayo aayado ku jira suuradda Nuux oo odhanaysa:“Rabbigaygoow habeen iyo maalinba dadkaygii waan u yeedhaa, yeedhmadiina firxad bay ka qaadeen.” Yuusuf wuxuu ugu jawaab celinayaa: “ U sabir siday u sabreen ulul-casmigu.” Wuxuu Gaandina ku soo jawaabayaa:“ Sabirnaa.”

Dhab ahaantii, Yuusuf X. Aadan wuxuu ahaa aftahan hadal yaqaan ah oo dareenkiisa marar badan suugaan lama illaawaan ah ku soo gudbiya. Mar loo qalqaaliyey inuu wax ka soo barto Jaamacadda Exeter ee cariga Ingiriiska, ayuu dhagax yar dalka ka sii qaadanayaa si markuu eegaba dalkiisa u xasuusto. Dhagaxii ayaa arday ay qol wadaag ahaayeen ka qarinayaa, isagoo moodaya inuu ninku dhagaxani yar caabudo. Muran iyo dagaal gacan hadal gaadhay ka dibna, dhagaxii maamulka jaamacaddu amar ku bixinayaan in dhagax si deg deg ah loogu celiyo. Isagoo markaasi dhagaxani yar la hadlayna wuxuu yidhi:

“ Dhagax yahow aqooniyo caqli kaama muuqdee,
Eebihii ku uumaa sidan kuu abuuree,
Arligiyo dalkiibaan kaa urinayaayoo,
Aroorta iyo fiidkaan marka aan ku eegaba,
Indhahay qabooboo uurkay samaadee,”

“Arday kugu ciyaaraa aadmiga dhammaantii,
Inaan kaa ilaashaan axdi kuugu qaadee,
Iska ool agtaydaa naftaa ku ogolaatee.”

Qoraaga buuggu, Fawsiya Yuusuf X. Aadan, waxay kolba ina dhex mushaaxinaysaa waayo kala saansaan duwan. Yuusuf aqoonta oo qudha ma ahayn nin u xuubsiibtay, bal se wuxuu ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo abaabulka iyo agaasinka dadkana billad sharaf ku qaadan karayey xilligani. Wuxuu ahaa asaasayaashii SNS(Somali National Society),markii dambena isu rogey SYL(Somali Youth League). Ururradani oo ahaa kuwii duufaannada daran ku kiciyey gumaystihii Ingiriiska. Yuusuf wuxuu ahaa nin midnimada ku diirsada, qabyaaladda iyo kala qoqobka dadkana ka dardaar weriya.

Marar badan haddii lays weydiiyo halkay waxan “idaacad” la yidhaa ka soo unkatay, markiiba Yuusuf iyo Iiman Dhoore ayaa maskaxdeenna ku soo degdegaya. Raadiyow iyo baahiye (mikirfoon) bay ku bilaabayaan. Raadyowga oo ay ka geyn jireen mawjadda “Raadyo Qaahira”, baahiyahana dadka ku gaadhsiin jireen, iyagoo turjubaanaya. Ulajeedadooda dadbani waxay ahayd in dadka la maqashiiyo dhaqdhaqaayada xornimadoon ee ka socda Carabta iyo Afrikada Madowba.

Mar kale, is-raacii lixdankii markuu dhacay,Yuusufna arkay Soomaali mid ah, calan qudhana hadhsanaysa, waxbarashadiina si fiican lugaha isugu taagtay, ayuu u baqoolayaa Masar iyo carro Carbeed. Wuxuu u digo-roganayaa diblomaasi. Halkaasoo uu noqonayo qofkii u horeeyey ee safaarad Soomaaliyeed ka fur dhul-carbeed. Wuxuuna sii haynayaa jagada Danjire. Waxtar bAadan oo leh deeqo waxbarasho iyo gacan qabasho kalena u geysanayaa dadkiisa.

Ku sinnaan 1972 waxaa loo magacaabayaa La taliyaha Akademiyada Cilmibaadhista ee Soomaaliyeed. Halkaasoo uu qayb weyn ka qaatay dhismihii dhaqanka iyo hiddaha. Wuxuu si gaar ah isaga xil saaray in dadka la baro ciyaaraha Soomaalida iyo dhaqammadii kala duwanaa ee Soomaaliyeed.

Qoruhu siduu inoo soo tebinayo, Yuusuf X. Aadan wuxuu ahaa qof damiir leh oo ka gilgishay dhaqan xumadii iyo burburkii nidaamkii Siyaad Barre horseeday. Wuxuu ka qayb qaatay halgankii xornimo-doon ee SNM sannadihii 1988 ilaa 1991. Qorigana wuxuu tunta u ritay isagoo 74 jir ah! Yuusuf noloshiisa intii dambe wuxuu ku qaatay qurbaha. Intuu halkaa joogayna wuxuu noqday guddoomiyihii u horeeyey ee SSUK( Somaliland Society in United Kingdom). Waxaa kale oo aan la hilmaamin karin, doorkii muuqday ee uu ku lahaa aasaaskii Jaamacadda Hargeysa. Halkaas oo uu ka qayb galayo dufcadii u horaysay ee ka qalin jebisa, isagoo saran kursiga taayirrada leh.

Ma hareer marin suugaantiisii ciiddaa iyo camaarkaa ka badnaa. Inkastoo inta la helayba koobnayd, halkaasina aan hoosta ka xariiqay, haddanna kama dhigna in suugaantiisii caanka baxday wax ka sheegno. Yuusuf X. AAadan wuxuu leeyahay gabayo murtidu ka dhibqayso, intase ugu doorka roon ee caan baxday, iyagoon kala dhicin, waa “Soomaaliyeey Toosoo” , “ Shacabkii Hargeysa” oo Cabdiqaadir Jubba ku luuqeeyo.

Qoruhu wuxuu hordhaca buugga ka dhigay gabayaashii wax ka yidhi odaygu markii uu noolaa iyo markuu xijaabtayba, ase anigu doorbidi lahaa in buugga lagu soo afmeero. Waxa xusid mudan in dhamaan gabayada loo tiriyey uu xaraf raacoodu (amma qaafiyaddoodu) ay ahayd xarafka “G”. Aynu soo qaadno meeriskan uu tiriyey Saleebaan Cumar Ku Joog, 1992:

“… Wixii aad guddo iyo waxaad gashoba amma waxaad geyso, Gun ma nihin waxaad noo gashiyo gabay abaalkiiye, Diiwaan ma guuraan ah buu galay warkaagiiye.”

Awoodaha Buugga:

Buuggani “ Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan” wuxuu sheegtay tayo buugta kale uu dheer yahay. Waa marka hore’e,buuggani waraaqaha lagu daabacay oo ah kuwa biyaha iska cesha. Jaldiga buugguna wuxuuba ka dhigayaa mid muddo dheer laga faa’iidaysan karo. Ka sakow dul ahaantiisa, buuggani waxaa sida buugta casriga ah dhextaal looga dhigay sawiro qurxoon oo waqtiyo kala duwan ka turjumaya. Taas waxaa raaca waraaqo dhaxalgal ah,lagu lifaaqay buugga, oo hadaan halkani qoruhu inoogu soo gudbin lahayn, taariikh badan oo raasumaalka ummadda ahi ku lumi lahaayeen. Waxaanad marnaba ilaabi karin waa luuqadda buugga lagu qoray oo ah mid si fudud loola jaanqaadi karo mar kasta iyo meel kasta.

Waxaa ammaan iyo qadarinba mudan,Fawsiya Yuusuf X. Aadan oo intii laga filan karayey ka mug weyn. Qalinka Fawsiyi waa mid qaan gaadh lagu tilmaami karo, oo si farshaxan leh xilliyo kala duwan isugu xidhiidhinaya, oo ay adkaan lahayd in layskuba keenaa. Qoruhu wuxuu u babac dhigay oday maqaan sare inaga taagan , maamuus iyo milgaba lahaa, oo khadka qallinku dhamaanayo isagoon waxba laga odhan. Waajibkaana si fiican buu qoruhu u gudatay. Sida surmo seegtada ah ee ay buugga u abbaartay Foosiyi waxay hogu-tusaale u tahay qalinlayda kale ee ugubka ah, rag iyo dumarba, ee taariikhda ummadda inoo soo gudbiya.

Gol-jillicda Buugga:

Judhiiba waxay ishaadu qabanaysaa sida aan laysula helin magaca buugga ee jaldiga iyo ka gudaha (header) ee soo noqnoqayna. Waxaad mararka qaarkood xiisaha akhrista kala dhantaalaya khaladaadka higgaadeed iyo ka madbacadeedba. Tusaale ahaan, marar baadan waxaa ku joojinaya boggag badan oo cad-cad, oo aanay waxba ku qornayn. Aanse u qaatay, malahayga, inuu nuqulkaan helay uun ku koobnaa. Tifatir iyo hufnaan la’aanta ayaa ah caqbadaha ugu badan ee ay la dhutiyayaan buuggaagta af-soomaaliga lagu qoraa, ay se ahayd in fiiro gaar ah loo yeeshaa.

Dhinaca kale, qoruhu siduu sheegay buuggu wuxuu qaatay 20 sannadood. Mar hadayba qoraha iyo buuggu ammintaa dheer isu heleen, marnaba kamaynu filaynayn in suugaanta baaxadda leh ee Yuusuf X. Aadan ,35% laga helaa, inta la qorayna la gawl-gawlo. Inkastoo qoruhu ka afeeftay, oo buug dambe u ballaysimay in lagu soo ururiyo suugaantiisii, taasi noqon mayso mid dhab ahaan loogu qanci karo. Waxaanse ku calool fayoobahay, in uu daabacadaha kale ee buuggani talooyin badan qoruhu dhug u yeelan doono.

Gunnaanad:

“Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan” waa dhaxal-gal dahabi ah oo aan marnaba inaga duugoobayn, kunna soo biiray maktabaddii saboolka ahayd ee af-soomaaliga. Buuggani wuxuu noqonayaa ilays u ifaya bulshada guud ahaan, tusayna meelaha fayow ee in la maro ay tahay. Waxaan ku tallin lahaa inuu buuggani noqdo mid ku nagaada guryaheena, si wax looga bildhaansado, loogana xusho murtida iyo waayaha adag ee uu xambaarsan yahay. Waa in manhajka dalka wax lagaga daraa si dhalinta maanta iyo dhallaanka baritaba ugu dhigtaan tusaale iyo yool ay ku hirtaan.

Gorfeyntii: Cabdiqaadir Dayib Askar
Kampala, Uganda.
siraskar@live.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s