My Country, My Pride!

The world has been unfair about my country, Somaliland; despite it has remarkably achieved enormous political successes in the midst of hostile Horn region over the past two decades. The economy is currently progressing. So is the democracy. Our traditional state-building approach is believed to be a useful lesson for African states, particularly those who … Continue reading My Country, My Pride!

Hoggaaminta Habboon

                       “Rag madaxdu ka halowdaa, waa marrin habaabiye.” Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminimo marka laga arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Isla markaana lagamamaarmaan ka dhigaysa ka dhabaynta himilada guud. Hadaba, marka koox dadka la hoggaaminayo ka mid ahi aqbasho himilooyinkaas, taasi waxay ballaysintaa dhaqdhaqaaq isbedel doon. Isbedelkuna wuxuu kolba la jaanqaadaa … Continue reading Hoggaaminta Habboon

Garnaqsi Haween

“ Haddaan Gaari Kula Jirin, Illayn Noloshu Guul Ma Leh.” - Hadraawi Gogol dhig: Haweenku waa udub dhexaadka nolosha. Waana lafdhabarta jiritaanka iyo waaridda bini-aadmiga. Macnaha dahsoon ee ragga loogu lammaaneeyey, ka sokow in la tarmo, waa in ay noloshu dhadhan yeelato. Haweenku waa warshad wax soo saar . Waxa ay ababisaa hooyadii iyo aabbihii … Continue reading Garnaqsi Haween

Buuggaan Baryahaaba U Bu’ayey

    "Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan”, Fawsiya Yuusuf X. Aadan. Daabacadii Koowaad, @ftahanPublishers, London, 2007, ISBN 978-0-9550274-1-3. Arar Badanaa waxaad sugtood, saadaalisaa. U samirtoo, sibiq kugu soo galaa. Maba dheerayn’e, markaas uunbaan hadhimadii afka ka qaaday. Cadceeddoo kululaydna ka hadhso is idhi.Sariirtana isu gaad-bixinayaa. Waxaan isu soomelmelay, ilays si aayar ahku saaqay guriga. Dhinacuu … Continue reading Buuggaan Baryahaaba U Bu’ayey

Reenkaygu Ma Riyadayda Oo Rumadaa!

“ Cirka nimankaa sahanka u diree, caadka ka hayaamay, Cadceediyo dayaxa dawladahan, caawa kala sheegtay, Caynkeennanay soo wada mariyo, caado liitahaye, Cilmigii ay ku gaadheen rag waa, ku cibro qaataaye, Candhadeeda nimankii karshee, cunay ku goosmeene, Darfi wuxuu ka muuqda shacbiga, caafimad qaba’e.” Arar Baraaruggaagu marbuu badhaadhe noqdaa, bilkhayr iyo marbuu bushaaro noqdaa. Balladuna markaasay … Continue reading Reenkaygu Ma Riyadayda Oo Rumadaa!

Fursadaha Shaqo Abuur Iyo Faaqidaada Dareenka

"Fahamkeeda guudnimo, Fursadaha shaqo abuur, Farsamooyin lagu helo, Anigoon fogaaneyn, Waxay faalladaydii, Tidhi inay fura u tahay Caqligoo fayoobiyo, Cilmi fiican loo helo, La falgala danaha guud.' I. Arar SHAQO LA’AANTA Somaliland ayaa noqotay mid si ba’an u baahday oo cunnugii caloosha ku jiray laga yaabaa inuu ka war qabo. Haddii mid calool ku jiraa … Continue reading Fursadaha Shaqo Abuur Iyo Faaqidaada Dareenka

Waayahu Surgacanaa, Dhallintuna Salfududaa, Wadankuna Silloonaa

Arar In badan baa qalbigu qarsaday, ilmadun qoysay dhabanada, qalinkuna ila qabay sidaas. Maantase adkaysi ma hadhin. Waxaanan u holaday inaan wax ka qoro mawduud noqday nolol-malmeedka dhalinyarro badan, hadal-hayntiisuna qiiradeeda lahayd. Gabal-dhaca iyo waaberyaba waxaad maqlaysaa war dhiilo leh oo qofkii muwaadin ahi ka damqanayo dhibaatada iyo durxumada maanta haysta dhalintii, ubaxii dalka u … Continue reading Waayahu Surgacanaa, Dhallintuna Salfududaa, Wadankuna Silloonaa