Kampala-(HWN)-Ardayda Somaliland ee wax ka barta Jaamacaddaha kala duwan
ee dalka Uganda, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay sida ay u arkaan Shirkii lagaga hadlayay xal u helida dhibaatadda dalka Somaliya ee lagu martiqaaday Somaliland ee uu dhawaan kaga qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee JSL, Dr Maxamed Cabdillaahi, magaalada London.
Hadaba, Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), oo ka tirsan Hadhwanaagnews, ayaa qaar ka mid ardaydaa u qabtay dood gaaban oo ay aragtiyahooda kaga dhiibteen arrintan, iyo sida ay arkaan.
Ugu horayn, Cabdiqaadir Dayib Askar, oo ah Qoraa faaqida arrimaha bulsho iyo siyaasadeed, isla markaana ah arday ka barta Jaamacadda Kampala International Uniersity, cilmiga Public Administration takhsusna ku samaynaya (International Relations & Diplomacy), ayaa yidhi:
“Lama huraanku mar kasta waxa uu yahay in aynu waajahano xaqiiqda jirta ee ah in aan Somaliland weli loo aqoonsayn wadan ka madax banaan Soomaaliya wixii laysku odhan jirey. Taasi waa inay noqotaa mid mar walba inagu dhiirigelisa, dawlad iyo shacabba ,in aynu isla qeexno si bisaylnimo ku jirto danaha diblomaasiyadeed ee aynu ka leenahay wadamada dunida iyo kuwa laynaga leeyahay, labadaba. Aalaba marka la soo hadal qaado shir Soomaaliya arimaheeda loogaga hadlayo iyo ka qayb gelintaakiisaba, waxaad moodaa in shaki iyo sas hor leh ay ku dhex abuurto shacabkeena. Waxaynu u baahanahay inaynu ciyaarno door laxaad leh si aynu uga qayb qaadan karno bakhtiinta dabka ka huraya dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya ee saameynta taban ee dhaqan dhaqaale ku haysa dalkeena. Dhinaca kalena aynu uga faa´iidaysan karno in dawlada la aqoonsanyahay ee KMG , ku yeelano saaxiibo waaweyn oo aasaas u noqda bud-dhiga iskaashi xidhiidh diblomaasiyadeed, oo ula-jeedadiisu tahay sidii ay inoogu aqoonsan lahaayeen wadan ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale. Waxaan aad ugu dhiirigelinayaa dawlada cusub ee Somaliland furfurka ay ku samaysay siyaasadeena arrimo dibadeed, kaasi oo u muuqda in ay ciyaarayaan door wax ku ool ah oo ah: sidii Geeska Afrika looga dhigi lahaa saaxad nabadoon oo ka badbaada argagixisada caalamiga iyo budhcad badeedkaba. Waxaana muhiim ah in markasta Somaliland codkeeda si buuxda looga maqlo shirarka caalamiga ah ee noocani oo kale ah, dadkeenu sabir u yeeshaan inta la sameynayo Xariiqa Cagaaran ee kala xadaynaya Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale.”
Sidoo kale, Abdirashid Ibrahim Yousuf, oo Bachelor of Accounting and Finance, ka diyaariya Jaamacadda Bugema University oo ku taala dalka Uganda ayaa isna yidhi
“Waxyaabo badan ayaa aynu isku khilaafsanahay Koonfurta dalka
Soomaaliya, hadana marnaba ma haboona in loo tix galiyo inay yihiin cadawgeena. Somaliland waa in ay ka qayb gashaa shirkasta oo ay ku arin sanayso umad kasta oo ay dani ka dhaxayso, cadaw iyo saaxiib labadaba. Dabcan Koonfur waxaa inaga dhaxeeya taariikh iyo dano badan”.
Siciid Maxamed X. Cismaan, oo ah arday Bachelor of Human Resource Management, ka diyaariya Jaamacadda Kampala International University, ayaa ka dhawaajiyay aragtidiisa ku wajahan doodan waxaanu yidhi,
“Ka hor inta aynaan ka hadal arrintani ma saxbaa mise waa khalad, waxa haboon in Golayaasha sharci dejinta Somaaliland ee Baaralamaanka, iyo Guurtida, Xummadda, Aqoonyahanka iyo Waxgaradkuba ay isla meel dhigaan qorshe siyaasadeed oo cad oo ay iskula meel dhigayaan waxa ay JSL, ka yeelayso ka qayb galka Shirarka noocan oo kale ah ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, Xukuumaduna maadaama ay tahay fulintii waxa ku waajib ah mar kasta in ay arrimaha noocan oo kale ah ee xasaasiga ah ka samayso talo wadaag la isugu yimaado waxa laga yeelayo, si goaan cad oo midaysan looga wada qaato oo muranka iyo shakiguna meesha uga baxaan”.
Dhinaca kale, Mohamed Ali Awil, oo Bachelor of Social Work & Social Administration, ka diyaariya Jaamacada Kampala University, oo ka waramaya mawqifkiisa arrimahan ku saabsan ayaa yidhi,
“Waxaan u arkaa talaabo horu socod ah oo ay wasaarada arimaha dibada Somaliland qaaday, hadana dhaliisha kaliya ee meesha taala waa iyadoo aynay jirin siyaasad cad oo ay soo bandhigtay dowlada iyo wasaaradu, taas oo labada gole iyo shacabku beri kula xisaabtami karaan. Waxaan ku talin lahaa in ay Dawlada Somaliland ay qadiyadeena u soo bandhigto gole kasta oo ay u aragto in ay garteeda ku akhrisan karto, iyadoo marka hore eegaysa mansabka ay ku leedahay shirarkaas, waa majaajilo aad u jaban in ay ummad dhani ka xanaaqdo cida kaliya ee ah kuwa ay wax ka tirsanayso kana doonayso in ay ka go’do.Ugu danbayntii waxaan ku soo gabogabeen lahaa in ay wasaarada arimaha dibadu ay halka ka sii ambo qaado geedi socodka ictiraaf raadinta, laakin waa inay noqotaa mid u cuntamaysaa umada ay masiirkeeda metalayaan”.
Arday kale, oo isna ka dhigta Jaamacadda St. Lawrence University ee magaaladda Kampala, oo lagu magacaabo Abdibaasid Cismaan Jaamac, oo ka waramaya aragtidiisa ayaa yidhi,
“Jiritaanka gooni isu taaga JSL, waa mid muqadas ah, oo lama taabtaan ah oo ku yimi rabitaanka Shacabka, sidaa awgeed, waxaan qabaa shirka lagu casuumay dalalka badan ee ay Somaliland ku jirto ee ka dhacay London in aanu wax turxaan ah lahayn, maxaa yeelay Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland, waxa uu halkaa ka cadeeyay mawqifka Somalind eek u saabsan gooni istaageeda, waxaan aaminsanahay in aan arrimaha noocan oo kale ah ee aanay waxba ku jirin aan laga dhigin kuwo la isku xajiimeeyo”.
Sidoo kale, Maxamed Cali Siciid, oo ah arday Busniss Adminstration, ka dhigta Jaamacadda Kampala University, ayaa isna ku dooday
“Marka hore waxaan aad u salaamaya dhamaan bahda Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, gaar ahaan daadihiyaha doodan gaaban Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), waxaan doonaya inaan fakarkayga ka dhiibto shirkii uu ka qayb galay wasiirka arimaha dabada ee somaliland dr maxamed cabdilaahi
horta marka hore aniga iyo inta ila fakarkaaba arinkaa wasiirku qaaday waxay ila tahy inay ahayd talaabo aad u wanaagsan oo horumar na u ah geedi socodka dimuqradiyada soomaliland
sababtoo ah hadaynaan fagaarayasha ka sheegin wax aynu doonayno iyo cida aynu ka go “ayno dee yaa wax inoo qabanaya aduunkana waa lawada hadla dee hargaysaan fadhiyaya oo soomali kama mid ahi oo hadana cid aan la hadalaya ma jirto dee ma soconayso xisbiyada mucaradkana waxan odhan laha dadka ha jahwareerinina ee wanaaga waa laysku tageeraye layskuma caayo xukumadana arinka aniga inta ila fakarkaba ee horumarka jecel waanu ku tageersanahay wa bilaahi tawfiiq.”
Xafiiska Wararka Hadhwanaagnews
Kampala/Uganda.
XIGASHO: www.hadhwanaagnews.com
Dr. Mohamed Abdullahi Omar

