Dood Ku Saabsan Shirarka Dibada Ee Somaliland

Leave a comment

Kampala-(HWN)-Ardayda Somaliland ee wax ka barta Jaamacaddaha kala duwan

ee dalka Uganda, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay sida ay u arkaan Shirkii lagaga hadlayay xal u helida dhibaatadda dalka Somaliya ee lagu martiqaaday Somaliland ee uu dhawaan kaga qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee JSL, Dr Maxamed Cabdillaahi, magaalada London. More

‘Heart of Darfur’- Book Review

Leave a comment

Ever since my birth, the sufferings and the plight of African people have been ‘music’ to my ears. Whenever I switch on TVs, all that jumps to the screen is bad news and a sort of desolation going on in one part or another in Africa. True it is that wars, poverty and dictatorship are familiar to every child born and raised in Africa.

The times when atrocities from Africa flash from the TV screens, the easiest one could do is to reach for remote control and move to another channel. Because simply we can’t hear our cryings, watch our wretchedness and see the corpses lying all over the place.

But here in this world, there are people who are different from you and me. There are people who do not get hurt by the images on the screen, but have got strong and compassionate heart to go a mile further and face the reality. And people of this nature are always rare. One of such people is a New Zealand nurse, Lisa F Blacker, who takes us behind the headlines and into the frontline of most war-ravaged places in Africa- Darfur. Darfur is a place where I personally learned a lot through my Darfurian classmates.  Their stories are so tear-jerking! More

Somaliland’s Recognition: The Undiscovered Secret

Leave a comment

Somaliland-Africa’s Best Kept Secret

Unknown to many people in the world is a yet-to-be-recognized state with three and half million population in the Horn of Africa. It is a phenomenal country that has emerged out from the ashes of the collapsed Somalia. Up till now it stayed stable for over two decades without any external support. It is a country that has set brilliant records in terms of government institution building and peace maintenance which was based on a unique blend of traditional conflict-resolving approach and modern democracy. This happens to be Somaliland – Africa’s bonfire of peace and democracy.

The 18th of May marked the 20th anniversary when Somaliland regained and declared its independence from the rest of Somalia.  And since then Somaliland has not been formally accorded recognition by any country even though it has realized unparalleled successes. However, I would like here to share with my readers of why Somaliland has to be recognized as an independent state. More

DHAGAR QABE (Sheeko Dadban)

Leave a comment

Arladii waa la kharibay. Meel kasta dhagar baa lagu galay. Dhiiggii waa kan durduuraanaya. Tan baa u danbaysay dalkii barwaaqada lagu yiqiin. Oohinta iyo uurku taalada ayaa guri walba saaxiib la noqotay. Lugahani dhulka jiitamay waa kuwo mar hore tamar dareeyey. Waa kan dhulkii si habalqale ah ugu dul dhacay. Ninkan dhulka salka ku hayaa waa mid waayuhu gacmo duubeen. Murugadda wejigiisa ka muuqata waxa aad moodaa in cadaabtii loogu sii bishaareeyey. Haraad buu kax taagan yahay, balse ma tiigsan karo xareedda hortiisa galalaclaynaysa. Intaa wuu maqan yahay, mar qudhana isma weydiiyo waayaha ballada badan ee uu la nool yahay. Wuxuuba u haystaa wax dabiici ah oo isaga loogu talo-galay. Haa , loogu talo galay oo intii kaga beegnay uu ka hantiyey. Halkaasuu fakar dheer galaa oo sannado badan oo uu soo dhaafay giiraanta nolosha dib ugu celiyaa. More

O’ Mother, O’ Mine

Leave a comment

O’ MOTHER, O’ MINE

Gone are the days when people were sympathetic about those who shaped their lives. Little we usually bear in mind those who cared us and cherished us a lot. In fact we are such forgetful creatures! You may wonder why I should bother about this, but certainly there’s an answer for it. Have you ever thought of your mom so much that you shed tears for her unknowingly? Well, even if you didn’t do so, it doesn’t mean you hate her, but perhaps someone else has filled in her place in your heart! Remember moms deserve much more from us.

My mom is a special person. She is a gift from God. Never had I slept a night without thinking about her. Once I recall how she fed me from her gentle breasts, and how much she hushed me in her arms to rest, I just feel like longing her care much. My mom is a selfless person, a loving wife, a caring mother, a devoted daughter and a true lady. For all that and more, I’ll always love mom. More

Do Blogs Affect African Opinion?( BBC Africa Have Your Say Debate)

Leave a comment

BBC Africa Have Your Say

Movingly interesting debate about how blogs affect African opinion in which I was participated in and was held online by BBC Africa Have Your Say. There were a number of people from all across the world who showed a great interest in the debate. The questions were very many and yet fantastic. Hilarious it was, I answered with keen interest.  Click the link below to listen the debate (Do Blogs Affect African Opinion?)

My Dream Country, Not Yet!

Leave a comment

The Republic of Somaliland has been a ‘new’ country in the midst of hostile region for the last nineteen years. For almost these two decades, several praiseworthy achievements have been brought to fruition. Our petty differences are no longer unbreakable barriers. I thank to Almighty Allah for He has kept us peace and unity when so many others in our negabors are still in sorry state.

Our strength as a nation is found in unity, not division. Yes! with unity we can accomplish great things together. Many people have admired that we brought the ends meet while there is no remarkable assistance from the Developed world. That they call it miracle! 

But today Somaliland I see is not the one I used to be proud of. It seems something has gone wrong in the middle of our way to success. Right now our motion is so slow! So let this essay be a wake-up call for Somalilanders . However, I dare to comment such scenario positively before it gets too late.

  More

Youth: The Ambassador of Future

Leave a comment

Youth- The Ambassador of Future

Many a times when asked about youth and the true meaning it has, brains may go void. The impossibility is that we could not find a common understanding of what it is all about.

I am always surprised when I see someone as old as forty-five  and yet claiming to be youth! If our forty-five is still youth, what about our twenties! Doesn’t it mean, “Youth has no age” as Pablo Picasso once said? However, my concern is not to define youth nor to pin-point their life-long gains but rather to shed some light on the challenges youth of today face almost all the time. More

HOGGAAMINTA HABBOON

Leave a comment

                       “Rag madaxdu ka halowdaa, waa marrin habaabiye.”

Hoggaaminta ayaa asal ahaan ku siman ammin dheer oo ka soo bilaabanta abuurtaankii aadamaha. Saddex haddii la noqdo, waa siduu Nebigeenii suubanaa(NNKH) ina faree, waa in mid hoggaamiye loo doortaa. Haa, hoggaamintu sidaasi bay lama huraan u tahay waayo sanku-neeflaha ayaa ah mid aan ka maarmin hab iyo hannaan kala wada, oo soo dabaala nidaam macno leh , si loo yeesho hiraal mug leh, loonna gaadho ula jeedo laga mideysan yahay. Haykalkaasina badhida salka ma dhigi karo hadaan la helin hoggaamin himilooyinka guud ee dadka mideysa.

Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminimo marka laga arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Isla markaana lagamamaarmaan ka dhigaysa ka dhabaynta himilada guud. Hadaba, marka koox dadka la hoggaaminayo ka mid ahi aqbasho himilooyinkaas, taasi waxay ballaysintaa dhaqdhaqaaq isbedel doon. Isbedelkuna wuxuu kolba la jaanqaadaa waxay dadku aaminsan yihiin – dabcan ma aha dadkoo dhan, waa se dadka hormoodka u ah isbedelka la rabo. More

GARNAQSI HAWEEN

Leave a comment

“ Haddaan Gaari Kula Jirin, Illayn Noloshu Guul Ma Leh.” – Hadraawi

"Haddaan Gaari Kula Jirin , Illayn Noloshu Guul Ma Leh"

Gogol dhig:

Haweenku waa udub dhexaadka nolosha. Waana lafdhabarta jiritaanka iyo waaridda bini-aadmiga. Macnaha dahsoon ee ragga loogu lammaaneeyey, ka sokow in la tarmo, waa in ay noloshu dhadhan yeelato. Haweenku waa warshad wax soo saar . Waxay ababisaa hooyadii iyo aabbihii berrito. Siduu wax soo saarku ugu kala duwan yahay tayada iyo tiradaba, ayuun bay haweenkuna kala siman yihiin. Haweenku waa baadi sooca bulsho ku dhaadato. Hagaagiddoodu waa bulsho horumarkeeda. Hallawgooduna waa heermid bulsho idil. Taasaana keenaysa in dumarku saamayn ku yeeshaan doc kasta oo nolosha ah.
More

Buuggaan Baryahaaba U Bu’ayey

Leave a comment

Gorfaynta Buugga Yuusuf X. Aadan

“Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan”,
Fawsiya Yuusuf X. Aadan.
Daabacadii Koowaad, @ftahan
Publishers,
London
, 2007, ISBN 978-0-9550274-1-3.

Arar

Badanaa waxaad sugtood, saadaalisaa. U samirtoo, sibiq kugu soo galaa. Maba dheerayn’e, markaas uunbaan hadhimadii afka ka qaaday. Cadceeddoo kululaydna ka hadhso is idhi.Sariirtana isu gaad-bixinayaa. Waxaan isu soomelmelay, ilays si aayar ahku saaqay guriga. Dhinacuu afaafku xigeyna u jeestay. Yaab! Ma cidkalaaba, illeyn waa wiilkaan aqal-wadaagta ahayn. Nabaddiino ka dibna, isagoo kolba kab saaraya, ayuu dhinacna iga leeyahay: “Oo saaxiib buuggaan inoo sido maanadarkaynba?” Intaan si miyir la’ u soo hinqaday, dhinaciisii u holladay. Mise waa buuggaan baryahaaba u bu’ayey “Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan” oo Fawsiya Yuusuf X. Aadan ku fara-yaraysatay. Mareegaha Soomaalida ayuun baan ka dhaadi jiree, ma anaaba dhab u arkayba! Akhriste, maanta kaasaan wax inooga soo garoocdee, ee bal ila dhawr. More

Reenkaygu Ma Riyadayda Oo Rumadaa!

Leave a comment

Cirka nimankaa sahanka u diree, caadka ka hayaamay,
Cadceediyo dayaxa dawladahan, caawa kala sheegtay,
Caynkeennanay soo wada mariyo, caado liitahaye,
Cilmigii ay ku gaadheen rag waa, ku cibro qaataaye,
Candhadeeda nimankii karshee, cunay ku goosmeene,
Darfi wuxuu ka muuqda shacbiga, caafimad qaba’e.


Arar

Baraaruggaagu marbuu badhaadhe noqdaa, bilkhayr iyo marbuu bushaaro noqdaa. Balladuna markaasay barbarkaas ka baxdaa. Adduunse marba dhinac u billiglee. Si fiican ayaan subaxdaasi u waaberistay, bustahana isaga rogay. Abaabul iyo diraargarow baan u heensaysanahay, jarmaadaduna waxay ku beegnayd meel aan sidaas nooga sii ridnayn­-makatabaddii Jaamacadda. Hammuun waxaan u qabaa inaan gaadho irriddeeda, waxaan u heellanahay subaxdaas, bal in aan dhinac isaga duwo wixii baryahaaba wehelka ii ahaa. Tiigsigaygu wuxuu noqday buug dheeh cagaar iyo madow ahi ku kulmeen. Tollow muxuu inoo sheegi? Cabbaar markay dhaayuhu ka bogteen, noqday mid si xeel-dheer u lafa-guraya Waxbarashada dalka soo-koraya ee Yugaandha. More

Fursadaha Shaqo Abuur Iyo Faaqidaada Dareenka

Leave a comment

Shaqaale Hawl Ku Jira

“Fahamkeeda guudnimo,

Fursadaha shaqo abuur,

Farsamooyin lagu helo,

Anigoon fogaaneyn,

Waxay faalladaydii,

Tidhi inay fura u tahay

Caqligoo fayoobiyo,

Cilmi fiican loo helo,

La falgala danaha guud.’

I. Arar

SHAQO LA’AANTA Somaliland ayaa noqotay mid si ba’an u baahday oo cunnugii caloosha ku jiray laga yaabaa inuu ka war qabo. Haddii mid calool ku jiraa wax maqlayo. Waxay noqotay wax qof weliba ku waaberiisto, kunna gabal dhacsado. . Qof kasta gurigay ugu gashay oo surmo-seejisay. Werwer iyo walaac jooga ay dadka baday. Waxay su’aali noqotay, tollow dabar ma leedahay? Ma abtirsataa? Yaa u ehel ah? Qofba dhinac u qaad, dareenkiisna ku qiyaas, aniguna gudoonkay iyo daba-qabashadeed. More

Waayahu Surgacanaa, Dhallintuna Salfududaa, Wadankuna Silloonaa

Leave a comment

Dhalinyaro Tahriibaysa

Arar

In badan baa qalbigu qarsaday, ilmadun qoysay dhabanada, qalinkuna ila qabay sidaas. Maantase adkaysi ma hadhin. Waxaanan u holaday inaan wax ka qoro mawduud noqday nolol-malmeedka dhalinyarro badan, hadal-hayntiisuna qiiradeeda lahayd. Gabal-dhaca iyo waaberyaba waxaad maqlaysaa war dhiilo leh oo qofkii muwaadin ahi ka damqanayo dhibaatada iyo durxumada maanta haysta dhalintii, ubaxii dalka u soo kacayey, ee maalin- la-sheegaba baddaha iyo lama-degaanada dunida ku haligmaya. Maxaa saaxiib,walaal iyo qaraabe kale oo la jeclaaba caloosha nibiriga iyo libaax-badeedyadu xabaal u noqdeen? Maxaa dhalin wiilal iyo gabdhabo leh , intay jaamacado amma dugsiyado dhamaystay, dalkoodii dal kale ku doorbiday, sillic iyo darxumo mutaystay? Akhriste, marna ma u damqatay dhalintaasi la dayacay ee la ilaabay waayahoodii?
More

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.